4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Ciidamada AMISOM oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada hoose
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM ayaa waxay ku sheegteen in ay guulo ka gaareen dagaal dhex-maray ciidamadooda iyo kuwa Al-shabaab , kaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo Bilis Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubaland.

AMISOM ayaa waxay war saxaafadeed-keeda  ku qeexday in dagaalkaasi uu dhacay maalintii Jimcada aynu soo dhaafnay , kadib markii Al-shabaab dhowr jiho ay kasoo weerareen saldhig ay daganaayeen ciidamada Jubaland, taas oo markii dembe qasabtay in ay ku biiraan dagaalkaasi.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada midowga Afrika ay dileen seddex xubin oo kamid ahaa dhinicii weerarka soo qaaday Al-shabaab, tira kalana ay gacanta ku dhigeen.

Dhinaca kale ma jiraan war kasoo baxay Al-shabaab oo lagu diidayo amma lagu xaqiijinayo weerarkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]