7/4/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2020
Dr. C/nuur Maxamed "Soomaaliya waxay u baahantahay dib u heshiisiin dhab ah iyo walaaleyn, dalkuna dagaal dambe uma baahna"


Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Xisbiga MidQaran Dr. Abdinur Mohamed ayaa soo gaaray magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaan soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyay qurba-joogta gobolka oo xiiseynayay inay wax ka ogaadaan Xisbigiisa Midqaran.


"Soomaaliya waxay u baahantahay dib u heshiisiin dhab ah iyo walaaleyn, xabbad iyo hebel iska riix waa lagu kala adkaan waayay. Waxaan ka shaqeyn doonnaa kor u qaadista aqoonta, waayo jahligu wuxuu ugu sarreyaa waxyabaha dalka dib u dhigay" ayuu yiri Dr. Abdinuur oo la hadlayay ka soo qeybgaleyaashii xafladdii soo dhaweynta aheyd.
"Qorsheyaasha Midqaran, waxaa ka mid ah in la helo nidaam Somaliland lagu raalligalinaayo, waan u baahanahay, waa walaalaheen, iyaguna waa inoo baahan yihiin, waana ka raalligalineynaa waxyaabaha ay tabanayaan" ayuu sheegay Dr. Abdinuur Maxamed.

"Xisbiga Midqaran, wuxuu ka shaqeyn doonaa caddaalad, Soomaalinimo, is jaceyl Soomaaliyeed. Waxaan ku shaqeyn doonnaa Alle kacabsi" ayuu sii raaciyay Dr. Abdinuur.

Dhinaca kale wuxuu sheegay Dr. Abdinuur in xisbigiisu uu si deg deg ah ku dhisi doono Maxkamadda Dastuuriga ah haddii ay ku guuleystaan doorashad dalka. "Dowladda  hadda jirta iyo tii ka horeysay ma oggoleyn in dadka laga sameeyo madaxkadda Dastuuriga ah" ayuu raaciyay Dr.  C/nuur Maxamed.

"Waa nin aan aqaan oo shaqadiisa iyo aqoontiisa aan ku kalsoonahay. Waa nin aan ceeb laheyn oo caddaalad iyo wanaag ku hagi doona dalka" sidaa waxaa yiri Prof. Axmed Muumin Warfaa oo isna ka hadlay soo dhaweynta Dr. Abdinur.

Waxaa iyaguna goobta ka hadlay xubno muhiim ah oo ka tirsan jaaliyadda iyo Xildhibaan C/raxmaan Beene-beene oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay Mareykanka. "In dadku ku darsamaan xisbiyo waa dimoqraadiyad waana soo dhaweynayaa" ayuu yiri Beene-beene" oo ka tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh.

HIiraan Online, News Desk
Minneapolis, Minnesota









Click here
3/9/2020 4:58 PM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa si wada jir ah magaalada Baraawe uga dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda.

3/9/2020 11:11 AM EST
Isniin, March, 09,2020(HOL)–Xukuumadda Somaliland iyo midowga Yurub ayaa heshiish kala saxeexday mashruuca dhawridda asaarta taariikhiga ah ee Laasgeed oo ku taalla bariga magaaladda Hargeysa.

3/9/2020 10:51 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL) –Guddida doorashooyinka Somalilland ayaa maanta kulan la yeeshay laba safiir oo ka kala socda safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Staffan Tillander oo matalayey beesha caalamka.

3/9/2020 8:24 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambasaddor James Swan, ayaa maanta Garowe kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo golihiisa wasiiradda, wuxuuna kala xaajooday arrimo quseeya Puntland iyo tan dowladda federalka Soomaaliya.

3/9/2020 5:22 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Nin 100 sano jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa si buuxda uga soo kabtay cudurka loo yaqaan coronavirus.

3/9/2020 5:05 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Raiisel wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay caasimada Khartuum, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.