3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2020
Arrinta loogu hadal haynta badnaa Somaliland waxay ahayd kootadii lagala noqday shirkada SOMCABLE ee keenista Internetka

 

Axad, Maarso,08,2020(HOL)–Dadweynaha reer Somaliland ayaa 24 saacadood ee u dambeeyey si weyn u hadal hayey wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka isgaadhsiinta Somaliland, taas oo keentay la buriyo xeer kooto ugu xidhayey shirkadda SOMCABLE inay keento xadhiga Internetka ee badda hoos mara taas oo la siiyey muddo ku siman sodan sanno.

Dadweynaha ayaa arrintani lama filaan ku noqotay maadaama oo mulkiilaha shirkada SOMCABLE xidhiidh dhow lahaayeeen madaxweyne Biixi, isla markaana ahaa ninkii lacagta ugu badan ku bixiyey doorashadiisii.

Mulkiilaha shirkadan kootada loogu xidhay keenista xadhiga Internetka ee Somaliland Maxamed Aw Siciid ayaa lacag badan ku bixiyey wakhtigii madaxweyne Siilaanyo doorashada ku jiray iyo markii madaxweyne Biixi doorashada galayba, waxaanay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo abaalmarin uga dhigtay in kooto kaligii loogu xidho keenista xadhigaasi Internetka.

Xadhiga internetka waxa uu soo mariyey dhulka, isagoo ka keenay dhanka jabuuti ee Lawyo cado illaa gobolka Sool, taas oo masaafo aad u durugsan dhulka hoostiisa soo qoday, isagoo buur iyo banaanba soo mariyey, waxaana kaga baxay lacag aad u faro badan.

Sidoo kale, waxa uu ka mid ahaa maalgashiyada ugu waaweyn ee lacagta badan galiyey Somaliland, taas oo dadku is waydiinayaan sida uu uga soo kaban karo dhaqaalaha uu galiyey ee isla kaybal kale loo fasaxay in la keeno, taas oo khatar galin karta shirkadiisii.

Dadka qaar waxay ku doodayaan in heshiishkaasi lagala noqday shirkadan maalgashiga badan galisay Somaliland ay keeni karto in shirkadaha caalamiga ahina ka cabsoodaan in heshiihskooda marka la doonaba laga bixi karo sida shirkadan SOMCABLE oo kale, halka qaar kale oo badana ku doodayaan in suuqa xorta ahi ka fiican yahay ka kootada, isla markaana la heli doonno internetka ka fiican kana xawaale dheereeya kan hadda la isticmaalo, waxaanay u arkaan talaabo muhiim ah oo dhanka wanaagsan loo qaaday joojinta kootadii shirkad gaar ah loogu xidhay Internetka badda hoos mara.

 

Dhinac kale, mulkiilaha shirkada SOMCABLE Maxamed Aw Siciid ayaa ah nin ka soo jeedda Jabuuti ,isla markaana aanay isku fiicneen hadda madaxweynaha Jabuuti taasina ay keentay in si fudud baarlamaanku u buriyaan kootadii loogu xidhay xadhiga Internetka.

Shirkadaha waaweyn ee Somaliland iyo shirkada reer Puntland ee GOLIS ayaa soo dhoweeyey go’aankan Baarlamaanku gaadheen ee suuqa Interneka cid walba fasaxa looga dhigay inay keenaan kaybalka Internetka ah ee badda hoos mara.

Jabuuti lafteeda ayaa danaynaysa inay xadhigeedan cusub internetka keento berbera, taas oo la heshiisay waxna ka siisay xadhigeeda Internetka ee bariga Afrika ku baahinayso shirkaddo reer Somaliland laga leeyahay si ay uga hawlgalaan keenista magaalo xeebeedka Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ay xukuumaddu qaaday waxa dagaal ka dhex abuuri doonta mulkiilaha shirkadda SOMCABLE iyo madaxweyne Biixi oo waayo badan rifiiq ku ahaa dhanka siyaasadda balse imika u muuqda inay kala fogaadeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 













Click here
3/8/2020 4:42 PM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin.

3/8/2020 12:45 PM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

3/8/2020 11:20 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 25 sano ah u oggolaatay shirkadda Favori ee laga leeyahay Turkiga in ay maamusho hotel casri ah oo ay maalgalisay oo laga dhex dhisay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

3/8/2020 8:08 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Sheikh Maxamed Shaakir ayaa muddo dhowr cishe kadib ah maanta soo saaray warsaxaafadeed uu ku muujinayo inuu weli yahay madaxweynaha Galmudug, xilli dhawaan looga itaal roonaaday Galmudug, awood ahaan iyo siyaasad ahaanba

3/8/2020 7:30 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku amray hay’addaha garsoorka Puntland in ay cadaalad dhameystiran marsiiyaan kiisaska kufsiyada ee horyaala maxkamadaha.

3/8/2020 3:00 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

3/8/2020 1:23 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal xalay ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.