3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2020
Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal xalay ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Raaxoy oo ku yaalla inta u dhexeeysa magaalada Jowhar iyo degmada  Balcad, waxaana halkaas fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin  weerar kusoo qaaday Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidmada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa  waxaa ay u sheegeen in weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab ay iska  difaaceen, isla markaana ay war hayeen weerarkaas waa sida hadalka loo  dhigay.

Sidoo kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in weerarkan uu ahaa mid lagu qaaday kolonyo ciidamada AMISOM ah waxyeelana loo geystey.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo dagaalo toos ah ku qaaday saldhiyo  ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan  Hirshabeelle gaar ahaan inta u dhexeeysa degmada Balcad iyo magaalada Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 













Click here
3/8/2020 4:42 PM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin.

3/8/2020 12:45 PM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

3/8/2020 11:20 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 25 sano ah u oggolaatay shirkadda Favori ee laga leeyahay Turkiga in ay maamusho hotel casri ah oo ay maalgalisay oo laga dhex dhisay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

3/8/2020 9:32 AM EST
Axad, Maarso,08,2020(HOL)–Dadweynaha reer Somaliland ayaa 24 saacadood ee u dambeeyey si weyn u hadal hayey wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka isgaadhsiinta Somaliland, taas oo keentay la buriyo xeer kooto ugu xidhayey shirkadda SOMCABLE inay keento xadhiga Internetka ee badda hoos mara taas oo la siiyey muddo ku siman sodan sanno.

3/8/2020 8:08 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Sheikh Maxamed Shaakir ayaa muddo dhowr cishe kadib ah maanta soo saaray warsaxaafadeed uu ku muujinayo inuu weli yahay madaxweynaha Galmudug, xilli dhawaan looga itaal roonaaday Galmudug, awood ahaan iyo siyaasad ahaanba

3/8/2020 7:30 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku amray hay’addaha garsoorka Puntland in ay cadaalad dhameystiran marsiiyaan kiisaska kufsiyada ee horyaala maxkamadaha.

3/8/2020 3:00 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.