3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 24, 2020
Ciidamada Dowladda oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay hadda isku diyaarinayaan siddii ay u gaari lahaayeen deegaannada kale ee gobolka ay ka joogaan Al-shabaab.

Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Sablaale iyo Kuntuwaarey, waxaana qorshaha ugu  weyn ciidamada yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Kuntuwaarey  oo ah degmada kaliya ee ka maqan gacanta ciidanka dowladda oo Al-Shabaab  maamulaan.

Ciidamada dowladda ayaa dhanka kale howlgallo ka  sameeyay inta u dhaxeysa Janaale iyo Buufow, waxaana howlgalkaas isugu  jiraa miino baaris iyo xaqiijin amniga wadadaas, si ciidamada ugu soo  maro saadka iyo sahayda.

Intii ciidamada howlgalada ka wadeen ayaa waxaa lala eegtay qarax miino, waxaana Al-Shabaab ay sheegatay inay ku dileen qaraxaas illaa 7 askari.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo mareykan ah la wareegeen deegaanka Janaale, waxaana howlgalkaas uu qaatay maalmo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
3/24/2020 5:57 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay saddex boorso oo lagasoo buuxiyay maandooriyaha Qaadka, oo la doonayay in si qarsoodi ah lagusoo galiyo magaalada Muqdisho.

3/24/2020 4:57 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Kahor tagga Faafitaanka COVID-19.

3/24/2020 4:24 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Bangiga horumarinta qaaradda Afrika ayaa shaaciyay in Soomaaliya laga nadiifiyay Lacagihii amaahda ah ee uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo gaaraysay $ 122.55 milyan oo dollar.

3/24/2020 9:37 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Nin ka soo jeeda gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa laga helay cudurka Hantavirus isniintii taasoo keentay argagax ka dhex jira muwaadiniinta adduunka oo wali la dhibaatoonaya cudurka 'Cohannavirus' ee ka yimid China.

3/24/2020 8:09 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL )– Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la joojiyo duulimaadyada ka imanaya dalalka uu ka dhacay cudurka Covid19,isla markaana aanu ficil inoo keenin cudurkaasi halista badan.

3/24/2020 7:59 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coranavurus.

3/24/2020 7:21 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Puntlland ayaa dib uga laabatay go’aan maalintii shalay kasoo baxay guddiga ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus, kuwaas oo shaacisay in muddo labo tobadaad ah la xirayo goobaha cibaadada, sida masaajida.