3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 23, 2020
Puntland oo muddo labo todobaad ah amartay in albaabada loo laabo masaajida

Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro masaajidda muddo 2 usbuuc ah si looga digtoonaado halista Caronavirus.

Wasiirka wasaaradda Cadaalada iyo arrimaha diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo ka hadlay shir jaraa,id oo ay qabteen guddiga hortaga covid-19 ayaa amarkaan ku shaaciyey.

Wasiirku wuxuu sheegay inay qaadayaan tilaabo kasta oo ay Puntland uga hortagayso in cudurku soo gaaro degaanadooda.

Puntland waxay horey albaabada ulaabtay xarumaha waxbarashada, sidoo kale waxay fasaxday shaqaalaha dowliga ah.

Masaajida waa meelaha ugu badan ee dadku iskugu yimaadaan maalin kasta. Meelo badan oo kamid ah ayaa la xiray xarumaha lagu cibaadaysto.

Waxaa kamid ah Masjidka Qudus ee kuyaala dhulka reer Falastiin oo ah masjidka saddexaad ugu weyn dunida islaamka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/23/2020 12:27 PM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL )– Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa.

3/23/2020 8:34 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay sheegtay inay joojinayso dhammaan shaqooyinkii ay u haysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

3/23/2020 5:18 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.

3/23/2020 5:05 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.

3/23/2020 3:53 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha dalka Germany Angela Merkel ayaa gashay is-karantiilnimo, iyadoo sababtuna tahay xiriir hore oo ay la yeelatay dhakhtar laga helay cudurka coronavirus.