3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 22, 2020
Taliyihii Ciidanka Booliska Afgooye oo la Dilay

Xigasho VOA Somali

Axad, Maarso 22, 2020 - Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.

Goob joogayaal ayaa VOA-da u sheegay in Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Mursal Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qarax lala beegsaday.

Goobjoogayaasha ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxaasi uu ka dhashaya miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo ka dhacay jidka isku xira Afgooye iyo Muqdishu.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan miinooyinka ku aasa deegaankaas, isla markaana sheegta mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.

Taliyaha la dilay Dhamme Cabdulqaadir Cusmaan Mursal Nuunow ayaa in muddo ah soo hoggaaminayey ciidamada booliiska ee magaalada Afgooye.













Click here
3/22/2020 5:35 PM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa goor dhowayd oo caawo ah magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha unaxariistee Mukhtaar Ahmed Omar Tinle, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland iyo qof kale oo shacab ah.

3/22/2020 9:26 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadal guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

3/22/2020 6:27 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

3/22/2020 5:24 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 194 qof ayaa ku dhimatay dalka Iran, iyadoo in kabadana 1,000 qofna xaaladooda caafimaad lala tacaalayaa ilaa 6-dii Maarso, kadib markii ay ku sumoobeen cabidda khamriga loo yaqaano bootleg alcohol.

3/22/2020 5:13 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Guddiga Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in aan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga helin dalkooda kiisas cusub oo ku saabsan COVID-19.

3/22/2020 2:44 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)-Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliy ay ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen ayeey sheegeen in ay ku qabteen sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab