3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 22, 2020
Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay dowladda federalka inay fashilinayso gogosha uu dhigay Garowe
 

Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadal guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran. Xaliimo Yarey oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa soo dhoweysay sharciga doorashooyinka iyo guddiyada loo xilsaaray dhaqan galinta qaraarada iyo sharciga doorashooyinka, iyadoo ku tilmaamtay tilaabo taariikhi ah.

Madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay hadal guddiga doorashada mid aanu u muuqan in sharci lagu taageerayay, balse ay u arkaan mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay.

"Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen"ayuu yidhi madaxweyne Deni

Deni waxaa uu sheegay inay tahay tilaabadii labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradda dowladda federalku ku qabteen Garowe, sida uu hadal ka u dhigay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/22/2020 6:57 PM EST
Axad, Maarso 22, 2020 - Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.

3/22/2020 5:35 PM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa goor dhowayd oo caawo ah magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha unaxariistee Mukhtaar Ahmed Omar Tinle, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland iyo qof kale oo shacab ah.

3/22/2020 6:27 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

3/22/2020 5:24 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 194 qof ayaa ku dhimatay dalka Iran, iyadoo in kabadana 1,000 qofna xaaladooda caafimaad lala tacaalayaa ilaa 6-dii Maarso, kadib markii ay ku sumoobeen cabidda khamriga loo yaqaano bootleg alcohol.

3/22/2020 5:13 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Guddiga Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in aan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga helin dalkooda kiisas cusub oo ku saabsan COVID-19.

3/22/2020 2:44 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)-Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliy ay ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen ayeey sheegeen in ay ku qabteen sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab