Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 194 qof ayaa ku dhimatay dalka Iran, iyadoo in kabadana 1,000 qofna xaaladooda caafimaad lala tacaalayaa ilaa 6-dii Maarso, kadib markii ay ku sumoobeen cabidda khamriga loo yaqaano bootleg alcohol.
Afhayeenka cilmiga caafimaadka ee jaamacada Ahwaz Ali Ehsanpour ayaa u sheegay wakaalada wararka IRNA in dadka ku sumoobay qamrigaan ay aaminsanaayeen in uu ka daweyn karto cudurka coronavirus ee sida xun ugu faafay Iran.
17 qof ayaa loo xiray inay ku lug leeyihiin kiiskaan.
Iibinta iyo isticmaalka cabitaannada aalkolada leh ayaa ka mamnuuc ah muslimiinta Iran. Sida uu qabo sharciga Iiraan, kuwa soo saara, iibsada ama iibiya aalkolada ayaa lagu xukumi karaa xabsi iyo jeedal.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in Sabtidan tirada dhimashada ee Iran ay tahay 1,556 oo ka mid ah 20,600 xaaladood oo cudurka ah.
Sidoo kale, 7,635 bukaan oo laga daaweeyay fayraska COVID-19 ayaa laga soo saaray isbitaallada.