3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2020
Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in talaabo laga qaadi doono ganacsatadii kordhisa qiimaha meceeshadda

Khamiis, Maarso, 19,   2020  (HOL )– Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay talaabo ka qaadi doonaan ganacsatada iskudayda inay qaali gareeyaan raashinka si ay uga faa’iidaystaan cabsida laga qabo cudurka Corona Virus.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Samaliland Maxamed Kaahin oo ay wehelinayaan laamaha amniga ayaa sheegay in dhamaan gudoomiyeyaasha goboladda dalka ay si joogto ah ula socdaan ganacsatada raashinka iibinaya ee qaali gareeya si sharciga loo horgeeyo.

“gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland waxa uu sheegay in aanay jirin raashin la’aan, in aan raashinka qiimo ku kordhin cidii qaali garaysa raashinka dawlada kala shaqaynayaan in talaabo laga qaado”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu u hanjabay ganacsatadda isku dayda inay qaaligarayso Raashinka, waxaanu yidhi “gudoomiyeyaasha iyo maayarada degmooyinka waxa lagu wargalinayaa inay si joogto ah ula socdaan bakhaarada, tukaamada iyo ganacsatada Raashinka iibiya, cid alaale iyo cidii lagu arko inay sicirkii kicinayaan in talaabo laga qaado”.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid  ayaa sheegay in aanay jirin raashin iyo dawo kala go’aya sabab loo qaali gareeyaana aanay jirin, sidaas darteed cidii qiimaha raashinka kordhisa talaabo laga qaadi doonno.

“Haddii aanu nahay rugtii ganacsiga  iyo shirkadihii Raashinka keenayey wax raashin ah oo wadanka ka kala go’ay ma jirto, dawooyinka kuwo khuseeya cudurkan Corona Virus ee lagula tacaalaana way yaalaan inta soo socota cashuur dhaaf bay dawladu uga dhigtay, wax kala go’ayaana ma jirto”ayuu yidhi Caydiid.

Bakhaarada qaar ayaa illaa shalay kuyuu loogu jirey, waxaanay dadku ka cabsi qabeen inuu raashinku ku kala go’o amaba la qaali gareeyo, halka dadka qaar sheegayaan in bakhaarada qaar qiimihii meceeshada kordhiyeen.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]

Hargeysa, Somaliland.












Click here
3/19/2020 9:47 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa si kumeel gaar ah hakisay howlaha waxbarashada muddo labo asbuuc ah oo ka bilaan doonta maalinka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 21ka Maarso 2020 kuna eg Jimcaha 3da Abril 2020.

3/19/2020 9:45 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa inuu faafo fayruska sida daran ugu faafaya dunidda ee COVID- 19, ayaa dhintay shaqaalaha dowladda ee xaadiraya xafiisyada.

3/19/2020 8:27 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada.

3/19/2020 7:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ka soo muuqday Liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta lagu dhawaaqay.

3/19/2020 4:18 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashadooyinka Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah soo bandhigay 17 urur siyaasadeed oo si rasmi ah iskaga diiwaan galiyay guddiga doorashooyinka, saddexdii bilood ee ay furmayd furashada ururada siyaasada, iyadoo ku ekayd 15-march.

3/19/2020 3:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Miinooyin ayaa lagu burburiyay afar kamid ah kaamirooyinkii hay’adda ammaanku ku xireen isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si loola socda dhaqdhaqaqa amniga ee waddooyinkaas.

3/19/2020 2:53 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalaya go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay duulimaadyada caalamiga ee iman jiray dalka Soomaaliya, kaddib faafitaanka cudurka Coronavirus oo qeyb ahaan laga helay dalalka dariska la ah Soomaaliya.