3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2020
Afhayeenka dalka Shiinaha: Ciidanka Mareykanka ayaa keenay CORONVIRUS dalka Shiinaha

Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL) - Af-hayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Zhao Lijian ayaa barta uu ku leeyahay Twitterka ku sheegay in ciidamahada Mareykanka ay keeneen cudurka CORONAVIRUS magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah meesha uu ka bilowday cudurkan.

 

"Kumuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Mareykan ee uu cudurkaan ku dhaco, meeqa qofood ayaa cudurka qabta? Isbitaaladeey ku jiraan?. Waxy u egtahay in ciidanka Mareykanka ay cudurkaan keeneen. Dowladda Mareykanka waa in ay arrintaan ka run sheegtaa" ayuu Zhao ku baahiyey twitterkiisa.

 

Dowladda Mareykana ayaa ilaa iyo hadda wax jawaab ah aan ka bixin eedeyntaas ay dowladda Shiinaha u soo jeedisay













Click here
3/12/2020 10:04 PM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Raiisel wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa si shaqsiyan ah isku karantiilay kadib markii uu isaga shakiyay inuu qaadday coronavirus, xafiiskiisa ayaa warkaasi ku dhawaaqay.

3/12/2020 10:19 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in si rasmi ah loo furay garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Baraawe, kaddib markii toddobaadkan uu xarigga ka jaray ra'iisul wasaaraha xukuumadda ,Xasan Cali Khayre.

3/12/2020 9:25 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Dharkayn, ama Dharkayn-geenyo waa magaalo yar laakiin mudo dheer soo jirtey, waxaana mageceedu ka soo jeeda 1920kii xiligii daraawiishi ka baxday Taleex ayay ku hakadeen waxaana la yidhaa waxaan fardo ahayn may wadan, goobtan ayay ku qasheen geenyo.

3/12/2020 6:08 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Maxamed Cali Maxamed oo loo haysto dilka askari ka tirsan ilaallada deegaanka Xamar.

3/12/2020 6:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay khatarta sii kordheysa ee ku wajahan nabadda iyo amniga qaaradda Afrika ee ka imanaya argaggixisannimada.

3/12/2020 3:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Aqalka Cad ayaa Arbacadii shaaciyey in muwaadiniinta aan Mareykanka aheyn loo ogolaan doonin inay ka safraan Yurub oo ay tagaan Mareykanka muddo 30 maalmood ah. Tilaabadaan ayaa ah isku day aan caadi aheyn oo lagu joojinayo faafitaanka coronavirus-ka cusub.

3/12/2020 2:36 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (BBC) - Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay.

3/12/2020 2:20 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Maamulka Galmudug ayaa eedeyn ku eedeeyay Dowlad Gobolleedka ay ood-wadaagga yihiin ee Puntland in ay faragalin ku heyso arrimaha siyaasadda Galmudug.

3/12/2020 2:09 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.