3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2020
Al-shabaab oo weerarray fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal labada dhinac oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu waramayaa in uu sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac soo kala gaaray garabyada iska hor yimid.

Saraakiil  ka tiran milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay sika  difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, islamarkaana ay  khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab ayaan  ka hadlin weerarka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Aw-dheegle oo ay  saldhigyo ku leeyihiin ciidamada xoogagga dalka.

Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah deegaannada ku xooggan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab inta badanna waxaa ka dhaca iska hormaadyo u dhaxeeya Al-shabaab, ciidamada dowladda iyo kuwa Howlgalka midowga Africa AMISOM. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 

 

 

 













Click here
3/12/2020 10:04 PM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Raiisel wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa si shaqsiyan ah isku karantiilay kadib markii uu isaga shakiyay inuu qaadday coronavirus, xafiiskiisa ayaa warkaasi ku dhawaaqay.

3/12/2020 5:35 PM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL) - Af-hayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Zhao Lijian ayaa barta uu ku leeyahay Twitterka ku sheegay in ciidamahada Mareykanka ay keeneen cudurka CORONAVIRUS magaalada Wuhan....

3/12/2020 10:19 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in si rasmi ah loo furay garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Baraawe, kaddib markii toddobaadkan uu xarigga ka jaray ra'iisul wasaaraha xukuumadda ,Xasan Cali Khayre.

3/12/2020 9:25 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Dharkayn, ama Dharkayn-geenyo waa magaalo yar laakiin mudo dheer soo jirtey, waxaana mageceedu ka soo jeeda 1920kii xiligii daraawiishi ka baxday Taleex ayay ku hakadeen waxaana la yidhaa waxaan fardo ahayn may wadan, goobtan ayay ku qasheen geenyo.

3/12/2020 6:08 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Maxamed Cali Maxamed oo loo haysto dilka askari ka tirsan ilaallada deegaanka Xamar.

3/12/2020 6:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay khatarta sii kordheysa ee ku wajahan nabadda iyo amniga qaaradda Afrika ee ka imanaya argaggixisannimada.

3/12/2020 3:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Aqalka Cad ayaa Arbacadii shaaciyey in muwaadiniinta aan Mareykanka aheyn loo ogolaan doonin inay ka safraan Yurub oo ay tagaan Mareykanka muddo 30 maalmood ah. Tilaabadaan ayaa ah isku day aan caadi aheyn oo lagu joojinayo faafitaanka coronavirus-ka cusub.

3/12/2020 2:36 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (BBC) - Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay.

3/12/2020 2:20 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Maamulka Galmudug ayaa eedeyn ku eedeeyay Dowlad Gobolleedka ay ood-wadaagga yihiin ee Puntland in ay faragalin ku heyso arrimaha siyaasadda Galmudug.