3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2020
Mareykanka oo duqeyn ka geystay deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)-War ka soo baxay Taliska howlgalka Mareykanka Africom ayaa looga hadlay duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka ka soo baxay Taliska Mareykanka oo kaashanaya kuwa  Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanka Janaale oo ka tirsan gobolka  Shabeelaha Hoose.

Duqeyntan ayaa lagu sheegay in lagu dilay diley afar ka mid ah dagaalamayaasha AlShabaab, Taliska ayaa intaa ku darray in ay kordhiyaan weerarradaa duqeynta ah  oo ay ka fulinayaan deegaannada ay maamulaan xoogagga Ururka Al-shabaab.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Taliska Africom :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 













Click here
3/10/2020 3:30 PM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maalmahana si gaar ah isha ugu haysay Caabuqo COVID-19, ayaa shaacisay inay baritaan ku hayso muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya ee saakey soo gaartay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, kaasoo looga shakisan yahay inuu qabo feyraska Covid 19.

3/10/2020 12:28 PM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 HOL) Guddoomiyihii dhaq-dhaqaaqii loo yaqaanay NFD Suldaan Deeqoow Suldaan Macalin Sanbuul, ayaa ka dhawaajiyey in ay weli jiraan dhaq-dhaqaaqyaddii Soomaaliyeed ee goballada NFD, waxaana uu carabka ku dhuftay in duulimaadka ay dawladda Kenya....

3/10/2020 11:46 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 HOL)– Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo wakiiladda Midowga Yurub iyo Sweden ayaa kala saxeexday mashruuc dib loogu habaynayo hay’adaha garsoorka iyo Booliska.

3/10/2020 9:14 AM EST
Talaado, Maarso, 10,2020(HOL)–Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin Masri ah oo xayawaanka looyaqaan Caasho badhidda isagoo si qarsoodiya uga dhoofinayey madaarka Hargeysa.

3/10/2020 4:58 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa la noqotay saami boqolkiiba 19% ah oo ay ku lahayd Dekadda Berbera, waxayna sheegtay toddobaadkan in mashruucaas ay si buuxda u hakiyeen.

3/10/2020 3:59 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Guddiga Olombikada Talyaaniga ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dhammaan dhacdooyinka isboorti - oo ay ku jiraan kubbadda cagta Serie A - laga joojiyay waddanka illaa iyo 3da Abriil sababo la xiriira walaac caafimaad oo la xiriira coronavirus.

3/10/2020 3:15 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Culimada muslimiinta Kenya ayaa Kenya ugu baaqay in ay tixgaliso qorshaheeda ku aadan inay kala baxdo Ciidamada Difaaca Kenya ee ku sugan Soomaaliya.