4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2020
Danjire Abuukar Baalle oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha guud ee Qaramada Midoobay

 
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Daahir Osman (Abukar Balle) iyo Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres


Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abukar Dahir Osman (Abukar Baalle) ayaa maanta loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay.

Ambassador Abuukar Baallee oo muddo sanad ah heyn doona xilkan ayaa guddoomiyaha cusub ee kal-fadhiga UN-ka Volker Bozkir oo u dhashay dalka Turkey kala shaqeyn doona isku duba-ridka howlaha Qaramada Midoobay, diyaarinta ajandaha golaha guud, iyo xallinta caqabadaha iyo walaaca la gudbooonaada dalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

“Doorashada Abukar Baalle ee ku xigeenka Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya fursad u siineysaa inay u ololeyso danaheeda goonida u ah, isla markaana xiriir dhow oo diblomaasiyadeed ay la yeelato dalalka caalamka” ayuu yiri Axmednuur Ugaas oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah.

Waa markii ugu horeysay oo muddo 33 sanadood ah ay Somalia ku guuleysato xilkaas.  Waxaa xilkan hore u soo qabtay safiiradii Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee kala ahaa Xassan N. Cilmi 1963-64,  C/risaaq Xaaji Xuseen, Axmed M. Aadan Qaybe 1979-1980 iyo Danjire   C/llaahi S. Osman 1986-87.

Faarax Blue, Hiiraan Online
Minneapolis, Minnesota
[email protected]