3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2020
Safiir Cabdixakiim Camey “Soomaaliya waxay Itoobiya ku taageereysaa dhismaha biya xireenka Webiga Nile”
 

Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Danjire Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si buuxdo u taageersantahay biyo xireenka Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile, kaas oo ay Dowladda Masar diiddantahay.

Wareysi gaar ah uu siiyay shirkadda Warbaahinta Ethiopia ee Fana ayaa waxa uu ku sheegay in biyo xireenka Xukuumadda Adis-Ababa  ay ka dhiseyso Webiga Nile uu yahay mashruuc nabad-gelyo ah oo aan wax dhibaato ah laheyn.

“Waxaan ku rajo weynahay in uusan wax dhibaato ah laheyn, balse uu noqon doono mid keliya aysan Itoobiya ka faa’ideysan doonin, oo uu noqon doono mid guud ahaan qaaradda anfici doono” ayuu Danjire Camey ku sheegay wareysigii uu siiyay Shirkadda warbaahinta Fana .

Waxa uu sidoo kale qeexay in biya xireenkani uu noqon doono mid sal u ah koboc dhaqaale iyo is-dhexgal bulsho, si gaar ah gobolka geeska Afrika.

Biya- xireenkan  ayeey Itoobiya dhismihiisa dib u billaabi doontaa bisha soo socota ee July. Hase-ahaatee Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya Cabdixakiin Camey ayaa qaba in uu kusoo aaday waqtigii loogu tala-galay , wax dhibaata ahna uusan ku keeni dooni waddamada uu webigaan maro.

 “Soomaaliya waxay xushmeyneysaa xuquuqda Itoobiya ay u leedahay in ay ka faa’ideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, waana sababta ay u diidday rabitaankii Masar ka yimid ee la horkeenay Jaamacadda Carabta , kaas oo ka hor imaanayay danaha Itoobiya iyo guud ahaan kan gobolka bariga Afrika” ayuu sidoo kale ku sheegay wareysigiisa.

“Go’aanka Soomaaliya ayaa waxa uu yahay mid garab ku siinaya Itoobiya arrinta biyaha Nile, waxay  sidoo kale Soomaaliya aaminsantahay in qaddiyadda Afrikaanka dhex taal keliya ay Afrikaanka xallin karayaan” ayuu wareysigiisa kusoo xiray Danjire Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar.

Wareysiga uu bixiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya ayaa si cad u muujinaya mowqifka siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka ee ku wajahan muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ee ku saleysan biyaha Nile .

Isha: Fana Broadcast corporate

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]  












Click here
6/29/2020 5:42 PM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa bayaan ay soo saartay waxay carrabka ku adkeysay baahida joogtada ah ee loo qabo wadahadal dhameystiran oo faah-faahsan oo dhexmara madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

6/29/2020 1:49 PM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abukar Dahir Osman (Abukar Baalle) ayaa maanta loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay.

6/29/2020 8:11 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL)-Waxaa maanta maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya kasoo hormuuqday askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku eedeysan dilkii ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho 1-dii bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay .

6/29/2020 8:04 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni iyo xukuumadiisa in aysan ka qeyb galin shirka madaxweynaha dowlada federalka ku qabanayo Muqdisho, illaa inta laga saxayo waxay ugu yeereen xad gudubka loo geystay sharuucda iyo xeerarka doorashada.

6/29/2020 12:55 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku wargaliyay xildhibaanada Puntland inay si buuxda usoo xaadiraan kalfadhiga maanta iyagoo lagu wargaliyay in go’aan lagasoo saaridoono sharciyadii uu meel mariyay barlamaanka Soomaaliya.

6/29/2020 12:48 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Itoobiya waxay shaacisay 119 xaalad oo cusub oo ah COVID-19 oo laga helay waddankaasi kadib markii baaritaan lagu sameeyay 3,895 bukaan oo xanuunka looga shakiyay 24 saac ee ugu dembeeyay.

6/29/2020 12:42 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Qoyska nin dhowaan ay toogteen booliska Glasgow ee ku hubeysnaa mindida islamarkaana la sheegay inuu dhowr qof tooriyeeyay, ayeey qoyskiisa sheegeen inuu qabay xannuunka dhimirka.

6/29/2020 12:34 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Senator Cabdirazaq Cusman Xasan “Jurile”oo katirsan wakiilada aqalka sare ee ku matala dowlad goboleedka Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha shacabka in ay dileen rajadii laga qabay in Soomaaliya u dhaqaaqdo jihada saxda ah iyo dadaaladii lagasoo shaqeynayay.