4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2020
Puntland oo maanta qorsheynaysa inay go'aan cad ka qaadato sharciyadii uu meel mariyay barlamaanka Soomaaliya
 

Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku wargaliyay xildhibaanada Puntland inay si buuxda usoo xaadiraan kalfadhiga maanta iyagoo lagu wargaliyay in go’aan lagasoo saaridoono sharciyadii uu meel mariyay barlamaanka Soomaaliya.

Barlamaanka Puntland, ayaa shalay si kulul uga dooday ugana soo horjeestay tallaabooyinka uu qaaday barlamaanka Soomaaliya iyo kuwa hadda horyaala oo ay kamid tahay muddo kordhinta waqtiga doorashada.

Warar uu Hiiraan online helay ayaa sheegaya in Puntland gebi ahaanba bannaanka ka istaagidoonto howlaha doorashada Soomaaliya iyo geeddi socodka dowladnimada, iyadoo cuskanaysa awooda uu siinayo dastuurka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan ku goodiyay in dalku kala tag lugaha la galayo haddii dowladda federalka kusii socoto ku tumashada sharuucda iyo xeerarka dalka islamarkaana aan heshiis buuxda laga gaarin doorashada, waa sida uu yiri

Wixii kusoo kordha kala soco Hiiraan Online

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]