3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2020
Kiisas cusub oo Coronavirus ah oo lagasoo weriyay deegaanka Soomaalida ee Itoobiya
 

Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) -  Wasaaradda caafimaadka Itoobiya waxay shaacisay 119 xaalad oo cusub oo ah COVID-19 oo laga helay waddankaasi kadib markii baaritaan lagu sameeyay 3,895 bukaan oo xanuunka looga shakiyay 24 saac ee ugu dembeeyay.

Bukaannadaan cusub ayaa guud ahaan ka dhigaya wadarta guud dadka xanuunka Coronavirus laga helay dalkaas 5,689 ruux sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka.

 Marka la eego xaaladahan soo kordhay ayaa waxa kala yihiin dadka laga helay xanuunka 73 rag ah iyo 46 dumar ah, una dhexeeya da’da hal sano jir illaa 80 jir sida warbixinta wasaaradda caafimaadka Itoobiya lagu xusay.

116 kamid ah dadkaasi waa Itoobiyaan , halka 3 ruux ay yihiin Ajnabi.

Kiisaskaan ayaa 99 kamid ah laga helay Caasimadda Addis Ababa, 7 kamid ah waxaa laga helay deegaanka Harari, 5 ruux waxaa lagasoo weriyay Tigrat, halka 4 ruux laga soo sheegay dhulka Soomaalida iyo 3 ruux oo deegaannada Oromia laga diiwaan-geliyay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/29/2020 5:42 PM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa bayaan ay soo saartay waxay carrabka ku adkeysay baahida joogtada ah ee loo qabo wadahadal dhameystiran oo faah-faahsan oo dhexmara madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

6/29/2020 1:49 PM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abukar Dahir Osman (Abukar Baalle) ayaa maanta loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay.

6/29/2020 8:11 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL)-Waxaa maanta maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya kasoo hormuuqday askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku eedeysan dilkii ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho 1-dii bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay .

6/29/2020 8:04 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni iyo xukuumadiisa in aysan ka qeyb galin shirka madaxweynaha dowlada federalka ku qabanayo Muqdisho, illaa inta laga saxayo waxay ugu yeereen xad gudubka loo geystay sharuucda iyo xeerarka doorashada.

6/29/2020 1:06 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Danjire Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si buuxdo u taageersantahay biyo xireenka Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile, kaas oo ay Dowladda Masar diiddantahay.

6/29/2020 12:55 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku wargaliyay xildhibaanada Puntland inay si buuxda usoo xaadiraan kalfadhiga maanta iyagoo lagu wargaliyay in go’aan lagasoo saaridoono sharciyadii uu meel mariyay barlamaanka Soomaaliya.

6/29/2020 12:42 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Qoyska nin dhowaan ay toogteen booliska Glasgow ee ku hubeysnaa mindida islamarkaana la sheegay inuu dhowr qof tooriyeeyay, ayeey qoyskiisa sheegeen inuu qabay xannuunka dhimirka.

6/29/2020 12:34 AM EST
Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Senator Cabdirazaq Cusman Xasan “Jurile”oo katirsan wakiilada aqalka sare ee ku matala dowlad goboleedka Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha shacabka in ay dileen rajadii laga qabay in Soomaaliya u dhaqaaqdo jihada saxda ah iyo dadaaladii lagasoo shaqeynayay.