4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2020
Beesha caalamka: Waa muhiim in is-afgarad siyaasadeed laga gaaro arimaha doorashada
 

Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Midowga Yurub, ayaa soo dhoweeyay warbixinta guddiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya uu ka jeediyay barlamaanka Soomaaliya, balse wuxuu sidoo kale ku adkaysaneynaa baahida loo qabo isafgarad siyaasadeed oo laga gaaro arimaha doorashada.

Midowga Yurub ayaa sheegay tallaabada ugu wanaagsan oo go’aan midaysan lagu gaari karo inuu yahay shirka wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka, kaasoo ka dhicidoona magaalada Muqdisho.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sidoo kale ku baaqday wadatashi ballaaran oo dhexmara hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gaaraan heshiis ku saabsan mustaqbalka.

Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay midna masoo hadal qaadin muddo kordbinta uu guddiga doorashada ku baaqay, si loo gaaro doorasho qof iyo cod.

Si kastaba ha ahaatee, barlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu go’aan ka gaaro muddo kordhinta uu soo bandhigay guddiga doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]