4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Maraykanka oo ka hadlay duqayn uu ka geystay agagaarka degmada Jilib
 

Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Mareykanka ayaa fuliyey duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay kooxda al-Shabaab agagaarka degmada Jilib, Jubbada dhexe.

Weerarkan  ayaa lagu dilay xubin kamid ah Al-shabaab mid kalena lagu dhaawacay, waxaana sidoo kale lagu burburiyay saldhig Al-Shabaab lahaayeen.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu ka warqaba warbixinnada sheegaya in ay khasaare gaarsiiyeen dad rayid ah oo ka dhashay duqeyntaas.

Wuxuu sheegay in la qiimeeynayo inaysan jirin qof rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay duqeyntaas.

“Ciidamada Mareykanka waxay adeegsan doonaan habab badan oo wax ku ool ah oo ku habboon si ay gacan uga geystaan badbaadinta dadka Soomaaliyeed. Iyada oo kaashanaysa iskaashiyada iyo ciidamada xulafada ah, ayuu yidhi Col Chris Karns, agaasimaha arrimaha bulshada, AFRICOM.

Maalmo kahor taliska Maraykanka ee Afrika ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegayo inay soo gaareen eedeymo ku saabsan in dad shacab lagu laa yay duqeymahooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]