4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2020
Agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog oo lix bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed lagu riday
 

Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta xabsi dhan lix bil iyo ganaax lacageed oo gaaraya Shan milyan oo shilin Soomaalia ah Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Weriye Gurbiye ayaa waxaa lagusoo eedeeyay warbixin uu ka qoray dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hannaanka ay ula tacaashay xanuunka COVID-19. Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka maanta lagu riday saxafigaasi laga qaadan karo racfaan.

Ehelada saxafiga iyo ururrada u dooda weriyayaasha ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay xukunkaas, iyagoo hoosta ka xariiqay iney aad uga soo horjeedaan.

Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha ururka SJS, Maxamed Cabdiwahaab oo ah daladda SOMA iyo Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ah xoghayaha FESOJ ayaa dhammaantood kasoo horjeestay xukunkii maanta ku dhacay Cabdicasiis Axmed Gurbiye, waxayna ku tilmaameen mid aan dhex-dhexaad ula muuqan.

Gurbiye ayaa waxa uu yahay saxafi aad wax uga qora xaaladda siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna xariggiisa kusoo aadayaa xilli xaaladda xoriyadda hadalka ay aad uga deyriyeen hay'adaha Xuquuqda aadanaha ee Caalamka. horay ururro iyo hay'ado u dooda saxaafadda ayaa dowladda ka codsaday iney joojiso kiiska ka dhanka ah saxafigaasi.

Dhinaca kale waxaa weli xeran Tefaftirihii Idaacadda Hiigsi ee magaalada Muqdisho Maxamed Cabdiwahaab Abuuja tan iyo billowgii bishii Maarso ee sanadkaan, mana jirto illaa iyo hadda cid hor keentay cadaaladda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]