4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2020
Xisbiga UPD “ waxaa loo baahanyahay samata-bixin inta lagu guda jiro xaaladda kala guurka ah”


Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga midowga Nabadda iyo hor’umarka “UPD”  sidoo kalena horay usoo noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta dhinaca siyaasadda ugu sarreysa xisbigaas, iyagoo diiradda saaratay xaaladda waddanka uu marayo.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo sidii loo gaari lahaa doorasho waqtigeeda ku dhacda .

Sidoo kale wax-yaabaha kulanka lagusoo qaaday waxaa kamid ah ka shaqeynta midnimada dalka, abuuritaanka jawi lagu wada qanacsanyahay iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala fogaasho iyo tafaraaruq.

Shirka ayaa ugu dembeyn laga soo saaray in si wada jir ah looga shaqeeyo samata-bixinta umadda Siimaaliyeed  iyo xasilloonida qaranimada dalka, sida lagu yiri qodobada lagasoo saaray shirkaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]