4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2020
Madaxweynaha Puntland: Xil ka qaadista raysal wasaare Kheyre waxay ahayd mid qorshaysan oo heshiiskii Dhuusomareeb lagu burburinayo
 

Isniin, Luulyo 27, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sharci darro ku tilmaamay habkii uu Baarlamaanka Soomaaliya u riday Raíisal wasaare Xasan Cali Kheyre. wuxuuna tallabaadaas ku sifeeyay mid qorsheysnayd oo lagu burburinayay shirkii Dhuusamareeb iyo waxyaabihii kasoo baxay.

“Waxaan dadka soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan u cadeynaynaa inaan raalli ka aheyn sida wax u socdaan, aana ka digeyno dalka meesha uu ku socdo,” ayuu yidhi madaxweynaha Puntland oo kulan deg deg ah la qaatay xubnaha golaha wasiiradda Puntland ee ku sugan Gaalkacyo iyo la taliyeyaashiisa.

Madaxweyne Deni ayaa masuuliyadda wixii ka dhacay xarunta barlamaanka dusha uga tuuray Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in wixii lagu heshiiyay oo dhan uu madaxweynuhu meel cad kaga dhaqaaqay.

“Waxaan rabaa inaan Bulshada Soomaaliyeed u cadeeyo muddadii aan Galmudug joognay waxaa ii muuqeynaysay; Ra’iisalwasaaruhu inuu diyaar u ahaa waxii lagu heshiiyey inuu fuliyo, daacadnimadiisa inuu fiuliyo wixii lagu heshiyay waxay sababsatay inuu xilkiisa kuwaayo” ayuu yidhi.

Deni, wuxuu tilmaamay madaxweyne Farmaaajo in uusan diyaar u aheyn inuu dalka Doorasho geliyo islamarkaana uu kasoo horjeedo in la iskugu yimaado shirkii 15kii Bisha Ogoosto ee Dhuusamareeb, iyo in Guddigii Farsamada uu keeno wax dadka Soomaaliyeed ay ku heshiin karaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]