4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 23, 2020
Dowladda Ingiriiska oo ku dhawaaqday $22 milyan oo lagu taageerayo wax ka qabashada dhibaatada Ayaxa Soomaaliya
 

Khamiis, Luulyo 23, 2020 (HOL) - Dowladda Ingiriiska ayaa maanta ku dhawaaqday $22 milyan oo looga jawaabayo dhibaatooyinka uu Ayaxu ugeystay Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ayaxu si adag u saameeyay qaar ka mid ah bulshooyinka ugu nugul ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay la shaqeyneyaan hay’adda FAO iyo dowladda Soomaaliya si kor loogu qaadoo kormeerka iyo xakameyntaa Ayaxa.

Lacagtan ayaa daba socota £8 milyan ($9.8 milyan) oo ay siisay Boqortooyada Ingiriiska horaantii sanadkaan hay’adda FAO, iyadoo lagu taageerayo Kenya, Soomaaliya, Ethiopia, Sudan, South Sudan, Eritrea, Djibouti, Tanzania iyo Pakistan.

Dhibaatada Ayaxa ayaa kor u kacay 20 jeer tan iyo bishii Maarso 2020. Soomaaliya gudaheeda. Hay'adda FAO waxay saadaalisay in 15-25% hoos u dhac ku yimaada goosashada dalaga Guga soo socda.

Tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan, FAO waxay maamushay in ka badan 600,000 hektar oo dhul ah, waxay badbaadisay 1.2m tan dalag ah oo qiimahoodu yahay $372 milyan, waxayna baabi'isay in ka badan 400 milyan oo Ayax ah 10 waddan oo ku yaal Bariga Afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]