4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 22, 2020
Baarlamanka Aqalka hoose oo maanta lagu wado iney cod geliyeen xeer-ka wax ka bedalka axsaabta
 

Arbaco, Luulyo 22, 2020 (HOL) - Waxaa maanta xarunta Villa Hageysa kulan ku yeelanaya xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxayna ka hadli doonaan mid kamid ah ajendayaal horyaallay maalmihii lasoo dhaafay.

Qaar kamid ah xildhibaannada oo la hadlay HOL ayaa waxay sheegeen in xalay loo soo diray farriimo, ku aaddan in kulankii caadiga ahaa ee dhici jiray Arbacada .

Waxaa maanta xildhibaannadu ay ka hadli doonaan wax ka bedalka xeerka Xisbiyada, waxaana la filayaa in maanta cod la geliyo.

Baarlamanka Aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa ku jira kalfadhigii 7-aad oo ah kii ugu dembeeyay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]