4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 22, 2020
Dukaamo ku yaalla Ceptown oo la boobay
 

Arbaco, Luulyo 22, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo xaafadda Delf ee magaalada Ceptown ayaa waxay sheegayaan in deegaankaasi uu ka bilowday boob, kadib markii dad caresan ay luga mariyeen illaa iyo Afar dukaan oo ay leeyihiin dad u dhashay waddanka Bangladesh, sida goobjoogayaal ay u sheegeen Hiiraan Online.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dad badan oo Soomaaliyeed oo halkaasi ku leh ganacsi xooggan ay bilaabeen, iney alaabtooda soo rartaan, iyagoo ka cabsi qabo inuu boobku saameeyo.

Arrintaan ayaa ka dhalatay markii Booliska magaalada Ceptown uu bur buriyay dhismooyin sharci darro ah , oo ay sameysteen dadka deenaanka. Taasina waxay keentay qaar kamid ah bulshada oo xanaaqsan ay caradooda kala dul dhaceen soo galootiga.

Dalka South Afrika, waxaa dhow jeer oo hore ka dhacay dhibaatooyin salka ku hayay isir naceyb,  taas oo keentay in dad badan lagu dilo, xoola badan oo maalgashtayaal ajnabi Afrikaan iyo eeshiyaan u bandanna lagu qaatay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]