4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 22, 2020
Wasiir Goodax “waxaan xernay dad qal qal gelinayay imtixaadka fasalka 12-aad ee Soomaaliya”
 

Arbaco, Luulyo 22, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu sheegay iney jiraan dad qalqal gelinaya intaxaanaadka fasalka 12-aad ee dugsiga sare, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda wax-barashada ee dalka. Waxa uu intaa ku daray iney ogaadeen in arrintaas ay ka dembeeyaan dad leh ahdaaf gaar ah, oo ay ku jiraan siyaasiyiin.

Waxa uu sidoo kale Wasiir Goodax sheegay iney jeelka dhigeen , dad abuurayay qalqal-gelintaas, sida uu qeexay, haddana lagu sameynayo baaritaanno dheeraad ah.

Imtixaanka oo bilowday maalintii sabtida aheyn oo aynu soo dhaafnay, ayaa waxa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maanta sida uu qorshuhu yahay.

Dhinaca kale waxa uu Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Cabdullaahi Goodax Barre oo qeexay in aysan ardayda Soomaaliyeed uusan niyad jebineyn, in la qall-qal geliyo intixaankooda.

Cabdullaahi Goodax ma uusan sheegin siyaasiyiinta uu aaminsanyahay iney wadaan iney isku dayga suurad xumeynta imtixaanaadka dalka.

Horay ayuu booliska Soomaaliya uga digay dadka iney sameeyaan wax kasta oo saameyn ku yeelan kara imtixaanaadka ardayda .

Sanadka waxaa galay imtixaanka arday ka socotay Banaadir, Hirshabeelle, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Jubaland .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]