4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 20, 2020
Madaxda maamul Goboleedyada oo ka hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo
 

Isniin, Luulyo 20, 2020 (HOL) - Xafiisyada dhinaca warfaafinta u qaabilsan madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa warbixinno ay soo saareen waxay kaga hadleen kulankii u dembeeyay ee hoggaamiyayaashaasi ay la yeesheen madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre .

Xafiisyada warfaafinta Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed. Jubaland, Hirshabeelle iyo Puntland ayaa waxay dhammaan ku qoreen warbixinadooda in kulankii dhacay uu gogol xaadh u ahaa shirka looga hadlayo xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka ee 2020/2021.

Dhowaan waxaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug uu ka furmo shirka maamullada qeybta ka ah faderaalka, maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Waxaana lagu falanqeyn doonaa xaaladda dalka sida amniga, doorashada iyo wada shaqeynta maamulladaasi iyo dowladda dhexe ee uusan qaar xiriirkooda wanaagsaneyn.

Waxaana la filayaa in kulankaasi si gaar ah looga doodo hannaanka doorashooyinka oo si weyn isha loogu wada hayo .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]