4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2020
Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo beeniyay war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya

Axad, Luulyo 19, 2020 (HOL) - Dallada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyay inay taageereen nuuc kamid ah doorashada Soomaaliya, intii lagu guda jiray kulan ay Dhuusomareeb kula qaateen madaxweyne Farmaajo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ururuda bulshada rayidka ay la wadaageen Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka.

Hase ahaatee, warsaxaafadeed kale oo isla caawo kasoo baxay ururada bulshada, ayaa warkaas lagu beeniyay, iyagoo sheegay in kulankooda uu ahaa sidii ay madaxweynaha ugu gudbin lahaayeen aragtidooda ku aadan doorashooyinka soo socda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]