4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2020
Dalka Turkiga oo la wareegaya taliska Howlgallada badda ee Gacanka Cadan
 

Axad, Luulyo 19, 2020 (HOL) - Dalka Turkiga wuxuu la wareegaya taliska caalamiga ah ee la dagaalanka burcadbadeenimada (CTF-151) si loola dagaallamo burcad-badeednimada ka jirta gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay inay la wareegi doonto howl-wadeennada wadajirka ah, illaa 10-ka Diseembar 2020.

Wuxuu tilmaamay in ciidamada badda Turkiga ay u diri doonaan markab dagaal Gacanka Cadmeed bisha Sebtember ee soo socota.

Tan iyo bishii Febraayo 25, 2009, ciidamada badda ee Turkiga waxay ka qeybqaateen howlgalka wadajirka ah ee caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeednimada gobolka, waxayna howlgalkaan hogaamiyeen 5 jeer.

CTF 151 waa ciidamo caalami ah, taliskooda waxaa saddexdii bilood ama lixdii bilood la wareega mid kamid ah waddamada ku bahoobay oo kala ah, Japan, Kuwait, Pakistan, jamhuuriyadda Korea, Singapore,Turkey, Kuwait iyo Maraykanka.

ciidammada badda ee is-kaashanaya, oo ah isbahaysiyo dhowr ah oo caalami ah oo la asaasay bishii Feebaraayo 2002, ayaa ujeedadoodu tahay inay kor u qaadaan nabadgelyada baddaha, iyagoo la dagaallamaya burcad-badeednimada iyo argaggixisannimada ka jirta biyaha Bariga Dhexe, Afrika iyo Koonfurta Aasiya, waxaana ku jira Badda Cas, Gacanka Carbeed, Gacanka Cadan, Badda Carbeed iyo Badweynta Hindiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]