4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2020
Aqoonyahannada Soomaaliyeed oo ka hadlay geerida Ilyaas Cabdikariim
 

Axad, Luulyo 19, 2020 (HOL) - Allaha U Naxariistee   waxaa xalay ku geeriyooday qaxarii ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir  Ilyaas Maxamed Shiikh Cabdikariin oo kamid ahaa dhalinyarada aqoonyahannada ah ee wax ku bartay Soomaaliya, kana mid ahaa da’yarta u caabboon iney wax ka bedalaan waddanka.

Waxa uu kusoo shaqeeyay xirfadda macallinnimada, isagoo qaar kamid  ah bare kasoo noqday Iskuullada kale duwan ee Muqdisho , sida ay inoo sheegeen dad aad ugu dhowaa.

Waxa uu tobankii sano ee ugu dembeeyay uu ka shaqeeyay xafiisyada dowladda qaar, isagoo gacan yare usoo noqday sanadkii 2012-ka, wasiiru-dowlahii madaxtooyada Xildhibaan Faarax Shiikh Cabdulkhaadir oo ay sidoo kale ehel ahaayeen.

Markii Xildhibaan Faarax Shiikh Cabdulkhaadir loo magacaabay wasiirkii wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka Soomaaliya ayuu sidoo kale Ilyaas la sii shaqeeyay.

“Runtii, wuxuu ahaa nin fur-furan oo bashaash, wuxuu ahaa nin dhalin-yaro ah oo akhyaar ah, waxna ku bartay dalkiisa” .  ayuu Hiiraan Online u sheegay Dr. Maxamed Axmed Cali “Doodishe” oo ah agaasimaha Machadka geeska ee nabadda iyo hor’umarinta ee “HIPAD” oo aad u yaqaannay Ilyaas.

“Runtii waxaan bartay 8 sano ka hor, geeridiisana waxay igu beertay murugo, aad Ayaan uga walaacay “ ayuu mar kale hadalkiisa ku daray.

Ilyaas Maxamed Shiikh Cabdikariim, wuxuu aad u bartay Cilmiga Teknoolajiyada, waxa uuna ka haaystay shahaaddada heerka labaad ee Jaamacadda. waxa uuna aas-aasay Application-ka  (Bidhaan), oo ah meel lagu kulmiyay badi telefashinnada Af-Soomaaliga, qof kastana uu si sahal ah u daawan karo isagoo wata teleefankiisa gacanta. Waxa uu sidoo kale sameeyay dukaammo wax ku iibiya Online-ka gudaha Soomaaliya.

“Waxaan aqaannay muddo bil ah, waxa uu saaxiib dhow lahaa dhammaan xubnaha aan shaqada wadaagno, waxaan u maleynayaa shan jeer Ayaan kulannay, runtii, intii aan ka bartay, wuxuu ahaa shakhsi cajiib ah “ sidaasi waxaa HOL u sheegay Xasan Mudane oo kamid ah dhalinyarada aqoonyahannada ah ee ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qoyska marxuum Ilyaas Maxamed ayaa horay dhibbane ugu noqday qaraxyada ka dhacayay Soomaaliya, waxaana afar sano ka hor qarax ku dhintay Sodogii {Aabbaha xaasikiisa Miski Ibraahim}, oo kasoo laabtay mid kamid ah dalalka Yurub.

“Qoyska Ilyaas waxay horay dhibbane ugu ahaayeen qaraxyada ka dhaca Muqdisho, isagoo horay ugu waayay Sodogii, sidaasi oo ay tahayna marna kuma fekerin in uu dalka isaga baxo, waxa uu ahaa nin hankiisa uu aad u sarreeyay, runtiina, waxa uu ahaa shakhsi ka baxay Soomaaliweyn oo dhan” ayuu HOL u sheegay Dr. Maxamed Axmed Cali {Doodishe}.

Falalka amni darro ee ka dhaca Soomaaliya, sida qaraxyada iyo dilalka ayaa waxay saameeyeen dad bada. Waxayna qaar kamid ah qoysaska Soomaaliyeed ku waayeen dad badan oo eheladooda ah . waxaana ka mid ahaa dhalin-yaro badan oo hal-abuur lahaa, kuwaas oo sida Ilyaas oo kale doonayay iney nolosha bulshada wax kusoo kordhiyaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]