4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2020
Axmed Cali Daahir "Dhismaha adeegga garsoorka waa la siyaasadeeyay"
  

Axad, Luulyo 19, 2020 (HOL) - Xeer ilaaliyahii hore ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu sheegay in la siyaasadeeyay dhismaha Golaha adeegga Garsoorka Soomaaliya,  isagoo intaa ku daray iney muhiim tahay in waddanku uu yeesho nidaam garsoor oo madax bannaan.

Axmed Cali Daahir oo la hadlay telefashinka Universal ayaa waxa uu intaa ku daray,  in dhismaha hay'addaasi ay muhiimad gaar ah u leedahay shicibka Soomaaliyeed.

Madaxda qaranka ayuu ku eedeeyay iney san raalli  ka aheyn in la sameeyo hay'addaasi, si Soomaaliya ay u yeelato maxkamadda dastuurka,  oo kala saarta wax-yaabaha la xiriira murannada dhinaca dastuurka iyo shaqooyinka arrimahaasi la xiriira ee la isku qabto.

Xeer ilaaliyihii hore ayaa ku tilmaamay in la hir-geliyo hay'addaasi lana soo xulo sharci yaqaanno iyo qareenno,  si loo helo dhameystirka seddex-da waax ee dowladnimada ee kala ah:- Fulinta,  sharci-dejinta iyo garsoorka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]