4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4aad dugsiga sare oo si rasmi ah uga bilowday Soomaaliya


Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Imtixaanka shahaadiga ah fasalka 4aad ee dugsiga sare Soomaaliya, ayaa si maanta rasmi ah uga bilowday guud ahaan Soomaaliya marka laga reebo gobolada Puntland iyo Somaliland oo iyagu imtixaankooda si gaar ah umaamusha.

Ku dhowaad 35,000 arday ayaa ka qeyb galay imtixaankaan oo ku taariikhaysan sanad dugsiyeedka 2019/2020, waxaana daahfuray raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi maxamed Guuleed.

Ra’iisul wasaare ku xigeynka dalka ayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay guuleystaan imtixaanka, kanasoo dhalaalaan cilmigii lasoo baray.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ka hadlay imtixaanka iyo sida ardayda Soomaaliyeed ugu diyaarsan yihiin, wuxuuna sheegay in wasaaradda ay ahmiyadda koobaad siineyso horumarinta waxbarashada dalka.

Imtixaanka waxaa qeyb ka ahaa ardayda baahiyaha gaarka ah qaba oo ay kamid yihiin kuwa araga la'. Waxayna wasaaradda waxbarashada u sameysay meelo gaar ah oo loogu tala galay in ay imtixaanka ku galaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]