4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Dhuusomareeb
 

Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi uga qeybgalaya shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wadashaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka qaran ee dalka kusoo foolleh.

Dhinacakale, raysal wasaare Kheyre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa saakay ku wajahan Dhuuso mareeb, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garowe.

Waxay Garowe u tageen ka qeyb galka aaskii raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]