4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Booliska Galmudug oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan dilka 4 ruux oo ka dhacay duleedka Muqdisho
 

Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Taliyaha qeybta booliska ee Gobolka Mudug dhinaca Galmudug Qaasim Shiikh Doon ayaa waxa uu sheegay iney gacanta ku dhigeen nin ku eedeysan inuu dil ka geystay deegaanka Garas-baalley ee duleedka Muqdisho.

Ninka ciidamada booliska Galmudug ay soo qabteen oo lagu magacaabo eedeysane Aweys Cismaan Cabdi  ayaa waxaa lagu tuhmayaa dilka afar ruux iyo dhaawac shan kale. Falkaas ayaa ka dhacay Tabeellaha Shiikh Ibraahim 09, bishan July, 2020-ka .

Taliye Shiikh Doon ayaa waxa uu sheegay in soo qabashada ninkaan tuhmanaha ay ka dembeysay kadib iskaashi dhex-maray hoggaanka ciidamada barista dembiyada booliska Soomaaliya iyo saraakiisha booliska ee Galmudug.
 
Dhowaan ayuu sheegay iney ku wareejin doonaan waaxda baarisa dembiyada ee booliska Soomaaliya, si cadaaladda loo horgeeyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]