4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Wasiir South Afrikaan ah oo laga helay Coronavirus xilli shalay dalkaasi lagasoo weriyay kiisaskii ugu badnaa ee xagga dhimashada
 

Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Sida lagasoo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Koonfur Afrika, wasiirka wasaaradda shaqada dalkaasi Thulas Nxesi ayaa waxaa laga helay xanuunka COVID-19, kadib markii baaritaan lagu sameeyay jimcadii shalay.

War kasoo baxay wasaaradda shaqada ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in wasiir Nxesi uu hadda isku karaantiilay gurigiisa, halkaasna uu kasoo shaqeyn doono.

Markii afaraad ee la baaray ayaa xanuunka lagu arkay.

“ Waa wasiirka keliya ee dalka oo markii afaraad is baaray tan iyo intii uu xanuunkan COVID-19 ka dillaacay South Afrika, laakiin nasiib darro hadda waa laga helay” ayaa lagu yiri warka ay wasaaradda uu hoggaamiyo ay soo saartay.

Nxesi ayaa ah qofkii shanaad oo ka tirsan xukuumadda oo uu xanuunkaan ku dhaco, waxaa horay looga xaqiijiyay dhowr kale oo kamid ah Golaha wasiirrada dalkaas.

Dalka South Afrika waxaa fara ba’an ku haya xanuunka Coronavirus, iyadoo shalay lagasoo weriyay kiisaskii uu badnaa xagga dhimashada

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]