4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Muwaadiniin u dhashay Mozambique oo muddo ku xayirnaa Portugal oo dalkooda lagusoo celiyay
 

Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Illaa iyo 160 ruux oo ku xayirnaa dalka Portugal tan iyo bishii April ee sanadkan ayaa waxay kusoo laabteen waddanka Moxambique oo ay asal ahaan kasoo jeedaan, waxaana keentay diyaarad gaar ah .

Dadka maanta soo noqday ayaa ku xayirmay Portugal, kadib Mozambique ay joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa sababo la xiriira la dagaallanka Coronavirus

Dhammaan dowladda ayaa joojisay duulimaadyadii ganacsi ee Caalamiga ahaa.

Xayiraaddii ayaa weli saran dalkaasi , laakiin diyaaraddan gaarka ee Portuguese airline ayaa loo ogolaaday in dadkaas ay soo celiso, sida dowladda Mozambique ay sheegtay.  

Qaar kamid ah dadka dalka kusoo laabtay ayaa telefashinka dowladda Mozambique ee STV u sheegay iney ku faraxsanyihiin iney waddankoodii kusoo noqdeen, laakiin qiimaha ticket-ka ayeey aad uga cabanayeen kaas oo qofkiiba lagasoo iibiyay  kun, siddeed boqol, lixdan iyo sided dollar ($1868).

Badi dadkaan kusoo laabtay dalkaasi ku yaalla Koonfurta qaaradda Afrika ayaa waxay yihiin arday waddanka Portugal wax ka baranayay iyo kuwa u aaday caafimaad

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]