4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 15, 2020
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusomareeb
 

Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hoyga uu ka deggan yahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Madaxda dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koofurgalbeed iyo Jubbaland.

Kulankaan waxaa ka maqnaa madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo dib ugu laabtay magaalada Garowe, si uga qeyb galo aaska raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore Puntand Axmed Cabdi Xaashi.

Kulanka Kheyre iyo saddexda madaxweyne wuxuu ahaa is-xogwareysi, balse lama oga waxyaabaha gaarka ah ee laga wada hadlay, xilli la isku diyaarinayo shir aad u muhiim ah oo looga arrinsandoono doorashada soo socota iyo sidii hoogaamiyayasha siyaasada Soomaaliya iskula meel dhigi lahaayeen in la qabto doorasho la isku waafaqsan yahay.

Madaxweyne Farmajao ayaa la filayaa in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta gaaraan magaalada Dhuusomareeb, si uu ufuliyo balanqaadkii ahaa inuu ka qeyb galayo wajiga labaad shirka Dhuusomareeb.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]