3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2020
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ka qeyb galayaan wajiga labaad shirka Dhuusomareeb
 

Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in wajiga labaad ee shirka Dhuusomareeb ay kasoo qeyb galidoonaan madaxda sare ee  dowladda federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa la sheegay inay aqbaleen inay ka qeyb galaan shirkaan oo go’aan looga gaaridoono arrimaha la isku khilaafsan yahay ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo xalay soo xiray shirka Dhuusomareeb ayaa tilmaamay in wajiga labaad ee shirka Dhuusomareeb uu maalmaha soo socda furmidoono, Galmudugna ay noqondoonto meesha dalka looga saarayo xaaladda kala-guurka siyaasadeed.

Qoorqoor wuxuu sheegay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay kusii negaandoonaan magaalada Dhuusomareeb ayna usii diyaar garoobayaan soo dhowaynta madaxda qaranka iyo shirka wajigiisa labaad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/14/2020 1:02 PM EST
Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, iyadoo si wadajir ah ay garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyeen Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada.

7/14/2020 9:19 AM EST
Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyay diyaarad sidday gargaar loogu tala-galay dadkii ay saameeyeen fatahaaddii magaalada Beledweyne oo ku dhacday Madaarka Ugaas Khaliif ee duleedka magaalada Beledweyne .

7/14/2020 8:52 AM EST
Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Diyaarad xamuul ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ka badbaaday saddex qof oo isugu jiray labadii duuliyayaal iyo engineerkii dayaaradda

7/14/2020 6:05 AM EST
Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - 4 Carruur ah ayaa ku dhimatay xerada barakacayaasha ee Malable oo ku taalla deegaanka Garas baalley ee duleedka Muqdisho , kadib markii uu kusoo dumay darbi ay ka gabaadsanayeen roobab xooggan oo ka da’ay Gobolka Banaadir iyo duleedkiisa.

7/14/2020 6:00 AM EST
Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Waxaa maanta mar kale maxkamadda Gobolka Banaadir kasoo hor muuqday Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog Media Group ee magaalada Muqdisho. oo horay loogusoo jeediyay eedeyn ka dhan ah howlahiisa shaqada.

7/14/2020 2:39 AM EST
Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Booliska Kenya ayaa qabtay laba tuhmane argagixiso oo loo maleynayo inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah garoonka diyaaradaha ee gobolka Rift Valley ee dalkaas.

7/14/2020 1:05 AM EST
Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Danjirihii South Afrika u fadhiyay Denmarka ayaa ku dhimatay magaalada Johannesburg, iyada oo jirta 59 sano, sida xubno kamid ah qoyskeeda u xaqiijiyeen warbaahinta dowladda ee SABC.

7/14/2020 1:03 AM EST
Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Warar laga helayo ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxay HOL u xaqiijiyeen in la filayo maanta in uu u dhoofo magaalada Dhuusamareeb ra’iisul wasaaraha, isagoo aqbalay casuumaaddii ay u sameeyeen madaxda maamul Goboleedyada dalka, isaga iyo madaxweyne Farmaajo.