4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 13, 2020
Guddi wasiirro ah oo loo magacaabay ka shaqeynta aas-ka qaran ee marxuum Xasan Abshir
 

Isniin, Luulyo 13, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu magacaabay guddi ka shaqeyn doono aas-aaska qaran ee loo sameyn doono meydka ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday waddanka Turkiga .

Guddigaan oo dhammaantii ka tirsan Golaha Xukuumadda ee dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka shaqeyn doonaan aas-aaska marxuum Xasan Abshir, waxay sidoo kale ka shaqeyn doonaan sidii meydkiisa loo keeni lahaa gudaha dalka.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxay kala yihiin.


1- Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS       :Guddoomiye.

2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa                          :Xubin.

3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta                : Xubin

4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha                         :Xubin

5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada                                               :Xubin

6. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada                             : Xubin

7. Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka                                      :Xubin.

8. Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka         :Xubin.

9. Maxamuud Xayir Ibraahim  Wasiiru dawlaha Maaliyadda              : Xubin

Allaha U Naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa waxa uu ahaa siyaasi caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka,

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]