4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2020
Khilaaf u dhaxeeyay madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la soo afjaray

 

Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)-Waxaa ugu danbeyntii la soo afjaray khilaaf muddo dheer soo jiimatayay oo u dhaxeeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed.

Kulan magaalada Muqdisho ku dhaxmaray madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xal looga gaaray khilaafka iyadoo arintaana  uu gar-wadeen ka ahaa   Madaxweyne Ku-xigeenka Cali Maxamed Guudlaawe.

Khilaafka madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa salka ku hayay mar walba mooshinno is daba joog ah oo marar badan ay madaxweynaha ka keeneen xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo la arkayay in uu mooshinnnadaa gadaal ka riixayo, waxanaa hadda marka la eego guud ahana muddo xileedka maamulka ka harsan muddo 8 bilood ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]