4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 19, 2020
Hirshabeelle oo amartay in hay'addaha Samafalka ka howlgala deegaannadeeda isa soo diiwaangaliyaan

 

Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)-Wasaarradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku amartay guud ahaanba hay'addaha samafalka ka howlgala deegaannada uu maamulku ka arrimiyo in ay isa-soo diiwaangaliyaan

Qoraal ka soo baxey Wasaaradda ayaa lagu sheegay in sanadkii tegay ee  2019 deegaannada Hirshabeelle ay ka dhaceen Arrimo dabiici ah sida  Fatahaadaha, islamarkaana Wasaaraddu sanadkan 2020 Qorsheyneyso dardar gelinta  shaqooyinkeeda, islamarkaana amarkaas la farayo Hay’adaha Samafalka. 

Deegaannada Hirshabeelle ama labada Gobol Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaa ka howlgala hay'addo Dhowr ah kuwaa oo lagu dhaliilo inta badan in si wanaagsan aysan u gudan waajibaadka dhinaca samafalka ah ee saaran gaar ahaan marka ay jiraan masiibooyinka dabiici oo ay bulshadu iyadu isaga soo gurmato. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]