4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2020
Laascaanood oo markii u horeysey yeelanaysa ciidanka Dab-Damiska

 

Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Waxaa maanta laga dhagax dhigay magaalada Laascaanood ee xarinta gobolka Sool xaruntii laga maamuli lahaa Dab-damiska iyo ciidankii ka hawl geli lahaa.

25 dhalinyaro ah ayaa lagu bilaabay in ay ka hawl galaan magaalada Laascaanood kuwaa ka soo baxay boqolaal siyaabo kala duwan lagu soo kala saaray maalinimadii shalay.
 
Agaasimaha Waaxda hawl fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhalinta soo baxday ay yihiin kuwo hanankara hawlaha looga baahan yahay isagoo intaas ku daray in tabarkii rasmiga ahaa haatan u bilaabmi doono.
 
 
Sidoo kale masuuliyiinta degmada  iyo gobolka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay dhalintan u rajeeyeen kuwo hawshooda ka soo baxa.
 
Si kastaba ha ahaatee dhalinta weydey shaqadan ayaa dhaliilo badan oo garab taabasho ay ku sheegeen loo qaatay waxaase taas jawaab ah looma heli karo maadaama dadka imtixaankani qaadayay oo gebi ahaanba aan degaanka ahayn.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood