3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2020
Soomaaliya iyo Morocco oo iska kaashanaya maaraynta biyaha iyo ilaha tamarta
 

Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)- Agaasimaha Guud ee Xafiiska Korontada iyo Biyaha ee dalka Morocco, Abderrahim El Hafidi, ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowadda Soomaaliya oo ay hogaamineyso wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Fawzia Mohamed Sheikh.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha ee dhinacyada korantada, biyaha la cabbo iyo maareynta biyaha wasakhda ah.

El Hafidi wuxuu iftiimiyay istiraatiijiyadda tamarta ee ay hogaamineyso Boqortooyada Morocco iyadoo xoogga saareysa horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo iyo sidoo kale horumarka ay Morocco ka sameysay waaxda korantada.

Waftiga Soomaaliya waxay booqdeen xarunta daaweynta biyaha ee Bouregreg, oo ah qaybta ugu weyn ee soosaarka biyaha la cabbo ee Morocco.

Wasiirka Soomaaliya, ayaa bogaadisay waayo-aragnimada dalka Morocco ee ku aaddan maaraynta biyaha iyo maareynta ilaha tamarta, waxayna muujisay rabitaanka waddankeeda inay ku horumariso iskaashi ay la yeelato Xafiiska Korontada iyo Biyaha ee dalka Maroco.

Si taas loo gaaro, waxaa la isla gartay in la dejiyo qaab iskaashi oo looga golleeyahay in lagu bixiyo taageero farsamo oo dhinaca Soomaaliya ah iyada oo loo marayo wadaagga khibradaha, isweydaarsiga booqashooyinka khubarada iyo dhisidda awoodda aagagga korantada, biyaha la cabbo iyo maareynta biyaha wasakhda ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/9/2020 11:24 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau.

2/9/2020 10:36 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)- Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay cadaalad darro awgeed shirka golaha aqalka sare uga baxeen senatorada kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo maanta mid kamid ah laga waayay fadhiga.

2/9/2020 10:12 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Waxaa maanta laga dhagax dhigay magaalada Laascaanood ee xarinta gobolka Sool xaruntii laga maamuli lahaa Dab-damiska iyo ciidankii ka hawl geli lahaa.

2/9/2020 10:06 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2029 (HOL)-Culimada gobolka Awdal oo ay wehelinayan guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista gobolkaasi ayaa sheegay inay markhaati u haystaan diintii uu aflagaadeeyey badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali.

2/9/2020 9:19 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Maxkamad ku taala magaalada Bosaso ee Puntland, ayaa saddex sano oo xarig ah ku riday sarkaal katirsan wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo lagu helay inuu ka ganacsanayay shatiyo been abuur ah oo uu siin jiray ganacsatada kalluunka.

2/9/2020 8:26 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)- Senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda degaanada dowlad goboleedka Puntland, ayaa faarujiyay kulamada aqalka sare ee ka socda magaalada Muqdisho.

2/9/2020 4:44 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba duqeyn oo ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ay ku dhaawaceen laba ka mid ah xogagga Al-Shabab ee halkaa ku sugnaa.

2/9/2020 1:35 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in maanta magaalada Addis Ababa uu uga qeybgalo shir-madaxeedkii 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya.