Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka
bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay'adaha
Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda,
xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada
Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.
Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Africa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]