3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2020
Macalin Maxamuud Sheekh Xassan ''Dhuusa-Mareeb Al-shabaab ayaa gacanta loo galiyay

 

Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xassan oo degmada Dhuusa-Mareeb kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay ku qasbanaan doonaan sida uu hadalka u dhigay in  ay hubkooda qaataan.

Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dhaqamada sida uu hadalka u dhigay hadda ka muuqda qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug gaar ahaan degmada Dhuusa-Mareeb yihiin kuwo aan horay looga barran oo uu ku fasiray ''Fasaad'' sidaa daraadeed ay ku qasbanaan doonaan in ay suuliyaan.

“Intii aan fasaadka soo dhaweysan lahayn waxaan geleynaa haddii Alle  yiraahdo in hubkeena aan soo dhaweysaneyno,ruux muslim ah ku dhibi  meyno,dowlad ku dhibi meyno laakin Ruux reer fasahaad ah waan ku  dhibeynaa ayuu yiri Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.

Waxaa uu sheegay dhinaca kale in qaraxii maalin ka hor ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb uu muujinayo in degmada gacanta loo galiyay Al-shabaab, madaama horay amaanka degmada uu u hagaagsan.

''Qaraxa Dhuusa-Mareeb ka dhacay waxaa uu muujinayaa in degmada Gacanta loo galiyay Al-shabaan, ruuxa noocaasi noqon kara ee garran waayay dad aan Gaadiid naga rabin, Xoolo naga rabin wax kale oo ay naga rabaan aan aysan jirin sabab aan u weerarno ma garaneyno qofkii garran waayay qof xishoonaya ma'aha ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa muuqata in uu sii xoogeysanayo khilaafka ka dhaxeeya wali hoggaanka sare ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Dhexe ee Federaalka iyadoo Dhuusa-Mareeb ay ku wada sugan yihiin labo garab oo iska soo horjeeda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  













Click here
2/14/2020 12:47 PM EST
Jimco, Feberaayo,14,2020(HOL)-Duhurnimadii maanta ayaa lagu warhelay qayladhaan ay dad soo maray dooxada Ooda-gooye oo dacalka bari ku haysa magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool taas oo sheegayey gubashada dooxadaasi.

2/14/2020 11:49 AM EST
Jimco, Febraayo 14, 2020 (HOL )– in ku dhow 19 qof oo iskugu jira odayaal iyo ganacsatado ayaa lagu xidhay magaalada Wajaale ka dib markii ay banaan bax ku sameeyeen dhul banaan oo wasaarada Gaadiidka ka dhisanayey duleedka Bari ee magaalada Wajaale.

2/14/2020 7:46 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibedda Saudi Arabia ayaa Khamiistii beeniyey warbixino sheegayey in laga yaabo inay kulmaan dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

2/14/2020 2:33 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii Bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan.

2/14/2020 12:07 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Wareysi gaar ah siinayay TV Universal ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan ciidamada dowladdu ay geysay gobolka Gedo, fara-galinta Kenya iyo waliba doorashadii ka dhacday Jubbaland.