Madaxweyne Farmaajo’’ Jubbaland Kenya ma'aha waa in Kenya fara-galinta ka deysaa Jubbaland
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Wareysi gaar
ah siinayay TV Universal ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan ciidamada
dowladdu ay geysay gobolka Gedo, fara-galinta Kenya iyo waliba doorashadii ka
dhacday Jubbaland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay
in dowladda Soomaaliya mas’uul ka tahay sida uu hadalka u dhigay guud ahaan
Amniga dalka iyo difaaca xudduudaha isaga oo ku eedeeyay dowladda Kenya in ay
fara-galin gaar ah ku heyso qeybo ka mid ah gayiga Soomaaliya.
‘’Kenya maxaa ka galay
Jubbaland, waxba kama galin faragalinna
kuma sameyn karto, arrin ayaa naga dhaxeysa oo Badda ah waadna ogtihiin arintaa
meel walba ayeey u mareysaa siddii ay saameyn ugu yeelan laheyd gaar ahaan
Jubbaland oo ay dooneyso in ay gaashaan ka dhiggato’’ ayuu yiri madaxweyne
Farmaajo.
Wuxuu sheegay in marnaba aysan
raali ka aheyn in Jubbaland u ekaato meel loo isticmaalayo burburinta dowladda
iyo dhibaateynta Soomaaliya ‘’ Qof kasta oo rabitaanka noocaa ah aqbalsan
waxaan u arkeynaa qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneynin’’ ayuu hadalkiisa
sii raaciyay madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay
in markii hore dowladdaha dareyska qaarkood isku adeegsan jireen madaxda Soomaalida
dhaxdooda gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, laakiin waxaa uu
sheegay in iyagu markii ay taa fahmeen hadda loo wareegay dhinaca Dowlad
Gobolleedyada oo loo adeeg-sanayo sidii dowladda loogu fashilin lahaa.
‘’Dowlad Gobolleedyada oo idil ma’aha Mid ama Labo ayaa la dhihi karaa, gaar ahaan
Jubbaland oo aan wali annaga doorashadii ka dhacday aqoosaneyn’’ ayuu yiri
madaxweyne Farmaajo.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya
xili wali uu jiro khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhaxeeya dowlad gobolleedyada
Jubbaland iyo Puntland oo isku dhinac ah iyo Dowladda dhexe ee Federaalka,
iyadoo arintan ay marar badan ooh ore isku dayeen in ay soo afjaraan xubnaha
beesha caalamka ee taageerrada siiya Soomaaliya oo kulamo gooni gooni ah la
yeeshay madaxda dowlad gobolleedyada iyo Dowladda dhexe intaba.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]