Wasiir Farotoon“Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayey ku kulmeen”
Arbaco, Febraayo 12, 2020 (HOL )– Weftigii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ku maqnaa dalka Itoobiya ayaa galabta dib ugu soo noqday magaalada Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Yaasiin Farotoon ayaa ka warbixiyey
madaxdii ay la kulmeen iyo kulankii dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo
madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiir Farotoon ayaa sheegay in weftiga madaxweynuhu ka
faa’iidaysanayeen madaxdii Afrika iyo caalamka ee shirka Afrika ka soo
qaybgalli si qadiyada Somaliland loo gaadhsiiyo, waxaanu tilmaamay in gaargaar
ula kulmeen madax badan.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in kulankii madaxweyne Biixi iyo madaxweyne
Farmaajo ka dhacay xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya, haseyeeshee ma
faahfaahin qaabka kulanku u dhacay iyo sababta war-murtiyeed looga soo saari
waayey.
“Shirka Afrika ee sanadkiiba mar lagu qabto Addis waxa markii hore tagay
aniga, shakhsiyaad reer Somaliland ah iyo safaarada Somaliland, markii dambe
waxa lagama maarmaan noqon wayday in madaxweynuhu yimaado, markii aan la soo
hadlay ka dibna wuxuu yimid magaaladda Adis, waxaanay kulmeen madax badan oo
Afrika iyo beesha caalamka iskugu jira, taas oo si meeqaam sare ah loogu soo
dhoweeyey”ayuu yidhi wasiir Farotoon.
Wasiirka ayaa kulankii labadda madaxweyne ku kooban inay xafiiska
Ra’isal wasaaraha Itoobiya kulmeen, waxaanu yidhi “Madaxweyne Biixi iyo
madaxweyne Farmaajo xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayey ku kulmeen,
madashaasi waxay ahayd meel madaxdii afrika oo dhami ay imanaysay oo lagu marti
qaadayey markii uu shirkii dhamaaaday, madaxduna way isa sii salaamayeen waana
la isa sii arkayey sidaas buu madaxweyne Biixi ku tagay Farmaajana ku yimid ka
dibna ay isku arkeen .”
Inkastoo aanu faahfaahin waxay ka wada hadleen labada madaxweyne,
heyeesheee sida wararka ku helayno waxa kulan labadda madaxweyne waday Ra’isal
wasaaraha Itoobiya, waxaase wararku sheegayaan inuu la kulankaasi diidana
madaxweyne Biixi, markii uu aqballayna waxa uu dalbaday in labadooda oo kaliya
is arkaan oo mid waliba weftigii aanu ka soo qaybgallay kulamadoodda.
Kulankani wuxuu noqonaya kii ugu horeeyey ee si toos ah isku soo
horfadhiistaan madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo tan iyo intii ay
hogaanka u qabteen labadda dhinac, waxaana istaagay wada hadalkii u dhexeeyey
Somaliland iyo Soomaaliya mudadii ay xilka hayeen.
Dad badan ayaa is waydinaya sababta qarsoodi looga dhigay ee kulankooda
saxaafadu uga qaybgali wayday, maadaama oo madaxweyneyaashii ka horeeyey Biixi
iyo Farmaajaba si toos ah wararka looga soo tabin jirey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.