3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Mareykanka oo sheegay in oo toddobaadkan dib u bilaabay taageerradii militari ee uu siin jiray Soomaaliya

 

Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in toddobaadkan ay dib u bilaawday taageeraddii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay  Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in tallaabadan Mareykanka uu qaaday ay ka dambeysay kaddib markii  ay korortay kalsoonidii Mareykanka uu ku qabaan hanaanka maamulka  dhaqaalaha ee dowladda.

Afhayeen u hadlay safaaradda oo lagu magacaabo Ryan Grizzle ayaa yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay  mudnaanta koobaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga,  si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la  wareegaan.”

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmadan dhaqaale oo ah mid kooban, oo lagu taageerayo oo kaliya la-dagaalanka argagixisada.

Qoraalka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida loo maareeyo gargaarka ciidanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 
 
 













Click here
2/12/2020 10:03 AM EST
Arbaco, Febraayo 12, 2020 (HOL )– Weftigii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ku maqnaa dalka Itoobiya ayaa galabta dib ugu soo noqday magaalada Hargeysa.

2/12/2020 9:56 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

2/12/2020 7:08 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland iyo ciidamo daacad u ah Cabdinaasir Seeraar oo horay u sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland.

2/12/2020 4:47 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)- Saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka iyo sirdoonka ayaa ka dhawaajiyay walaac cusub oo ku saabsan faafitaanka kooxaha argagixisada ee kusii faafaya qaaradda Afrika, iyagoo ka digaya in qaar ay noqdeen kuwa awood badan oo aan suurtagal ahayn in la dhayalsado qatartooda.

2/12/2020 4:32 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Kulan Wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka ee XFS loogana hadlayo Maqaamka Muqdisho ayaa ka furmay yo kaalinta kaga aadan dib-u-eegista Dastuurka Qaranka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho

2/12/2020 2:05 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in wali qeybo badan oo ka mid ah gobolka ay ka taagan yihiin dhaqdhaqaaqyo militari oo iska soo horjeeda.

2/12/2020 1:07 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo Shir Sanadeedka Garsoorka dalka oo sanad walba oo maanta kale la qabto