Shir looga hadlayo maqaamka Muqdisho oo furmay
Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Kulan Wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka ee XFS loogana hadlayo Maqaamka Muqdisho ayaa ka furmay yo kaalinta kaga aadan dib-u-eegista Dastuurka Qaranka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, Guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda.
“ Magaalada Muqdisho waxaa k unool dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadeed waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib u dhiska Caasimadda iyo in magaalada ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii laheyd”.
Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye
waxaa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.
“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo
baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho
waxaan uga mahadcelinaaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso
howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay
dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.
“Ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]