4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Dhaqdhaqaaqyo militari oo ka jira qeybo ka mid ah gobolka Gedo

 

Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in wali qeybo badan oo ka mid ah gobolka ay ka taagan yihiin dhaqdhaqaaqyo militari oo iska soo horjeeda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaatan la geeyay gobolka iyo kuwa dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa lagu waramayaa in deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ka wadaa dhaqdhaqaaqyo militari oo iska soo horjeeda shaki badanna ku abuuraya dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada ay ciidamadani ku sugan yihiin.

Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ka yimid dhanka degmada Ceelwaaq ayaa gaaray duleedka Beledxaawo oo ahaa goobihii fariisinka u ahaa Ciidamadii horay uga soo baxay Beledxaawo iyo Doolow ee ka tirsanaa Jubbaland.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in arin nasiib darro ah tahay in ay dhufeyso isugu jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo loo baahnaa in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyaga oo sababta arintan ku eedeeyay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo fara badan geysay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo, kuwaasoo la wareegay ammaanka deegaanadaas.

Waxaa ay sheegtay in ciidamada xoogga dalka yihiin kuwa mas'uul ka ah difaaca dalka lana geyn doono gobol walba oo ka tirsan Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]